Sida ay sheegayaan warar isasoo taraya madaxweynaha PL ayaa soo dhisaya Xukuumad ka miisaan culus golihii hore ee uu dhisay 2019-kii oo lagu sifeeyo kuwii ugu liitay ee Taariikhda Puntland.

By Farah Abdulkhadir Mohamed

Published on:

#UPDATE Sida ay sheegayaan warar isasoo taraya madaxweynaha PL ayaa soo dhisaya Xukuumad ka miisaan culus golihii hore ee uu dhisay 2019-kii oo lagu sifeeyo kuwii ugu liitay ee Taariikhda Puntland.Madaxweyne Deni ayaa kalkan u gacan-banaanaaday dhismaha golihiisa wasiirada, waxaana markan lafilayaa golle lagu soo xushay waayo-aragnimo, karti Shaqo iyo hufnaan.Meelaha isbedelka laga filayo ayaa ah in Wasiiradan ay kasoo muuqdaan odayaal miisaan siyaasaded kuleh degaanada PL, kulamo ilaa xalay socday ayaa wararku sheegayaan in siyaasiyiinta mucaaridka ah qaybtood talo laga siiyey golaha.Waxaa kale oo lafilayaa in kordhis golaha ku yimaado, deegaanada darafyada Mudug iyo Sanaag ayaa xukuumadan tixgelin kahelaya, degmada Ceerigaabo, ayaa laga yaabaa inay golaha kuyeeshaan metalaad sidii hore ka culus.36 saacadood wax kayar ayaa haray waqtiga kama dambeysta ah, lamana soo sheegin culays siyaasadeed oo dib dhac keeni kara, saacado kadib ayaa liiska lasugayaa.

Related Posts

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa amartay shalay in uu maxkamadda horyimaado Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan-Cade

‘Khatarta aan la aqbali karin ee dadka ku soo wajahan’: Dhalinyaro lagu xiray weerarro argagixiso

Ra’iisulwasaare Xamse

Dawladdaha Itoobiya iyo Uganda ayaa kala saxiixday heshiis Iskaashi amni iyo difaac

Farah Abdulkhadir Mohamed

Leave a Comment