Magacyada iyo qabiillada ay ka soo jeedaan 10 safiir oo cusub oo la magacaabay

Yaasir News waxay heshay magacyada qabiilada ay ka soo kala jeedaan 10-ka Safiir ee shalay ay magacaabidooda anxisiyeen golaha wwsiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Shan ka mid ah 10-kaan safiir waxay ka soo jeedaan beelaha Daarood, gaar ahaan Majeerteen iyo Ogaadeen, labo ka mid ah waa Hawiye, labo kale waa Dir, halka kalena waa beelaha shanaad.

Hoos ka akhriso magacyada safiirrada cusub iyo beelaha ay ka soo jeedaan:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir guddoomiyey kulankii shalay lagu anxisiyey safiirradaan cusub, wuxuuna sheegay inay ka howlgeli doonaan qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed.

Sidoo kale kulankaasi waxaa lagu meel-mariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taasi oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday

Share the Post:

Related Posts

Join Our Newsletter