Jabhada hubeysan ee FRUD lana dagaalanta Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in ay habeenadii 22 ilaa 23kii bishan ay fulisay weeraro ka dhan ah ciidamada Jabuuti

#UPDATE: Jabhada hubeysan ee FRUD lana dagaalanta Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in ay habeenadii 22 ilaa 23kii bishan ay fulisay weeraro ka dhan ah ciidamada Jabuuti, ee kusugan deegaanka Daoudaouya iyo Tuulooyinka ku xeeran ee gobalka Dikhil, isla markaasna ay qabsadeen xerada ciidamada ay halkaas ku lahaayeen,ayna qaateen keydkii hubka ee Taliskan milateriga Jabuuti ay lahaayeen.Mid kamid ah baabuur ahaa gurmad ciidan oo kusocday saldhiga la weeraray ayaa la sheegay in ay dhexda u galeen ciidan hubeysan oo katirsan Jabhada, ayna gacanta ku dhigeen dhammaan ciidankaas dhinaca Jabhada FRUD, dhimasho iyo dhaawac ayaa la xaqiijiyey weerarkan in uu ka dhashay, sida ay Jabhadu sheegatay.

Share the Post:

Related Posts

Join Our Newsletter